Allbanaadir.com
NEWS

Markab taagan xeebta degmada Baraawe oo hoobiyeyaal lagu weeraray

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Xoogag taabacsan Al-Shabaab ay galabta hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaaladaas.

Markabkan ayaa saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha. Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in ilaa saddex hoobiye ay Al-Shabaab ku tuureen badda, xeebta Baraawe oo markabkan uu taagan yahay.

Ma cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale, Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyihii ugu weynaa burcada Daroogada ka ganacsata oo lagu qabtay Istanbul

Cabdi Cade

Booliska Puntland oo laga xil wareejiyey amniga Garowe iyo sababta keentay (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Labo Dayuuradood oo Muqdisho ka qaaday Ciidan qaab beeleed u abaabulan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---