Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Gerijir ee G/Hiiraan? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka gerijir Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha waxaa deegaanka gerijir kusoo dhoweeyay Maamulka deegaanka, waxgaradka, odayaasha iyo boqolaal kamid ah bulsho weynta deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Maamulka iyo bulshada deegaanka ee soo dhoweynta balaaran u sameeyay waxa uuna tilmaamay in bulshada deegaankaan ay yihiin dad is xilqaamay oo u istaagay inay horumariyaan deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aqbalay codsiga bulshada iyo xildhibaanada deegaanka ee ahaa in deegaanka gerijir loo aqoonsado degmo, Waxaana uu faray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose oo wafdigiisa kamid ah in Liiska soo jeedinta degmooyinka lagu daro deegaanka gelijir oo ay u dhameystiran yihiin shuruuradaha lagu aqoonsado degmada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday xarumaha ay ku shaqeeyaan maamulka deegaanka iyo saldhiga ciidanka booliiska isagoo bulshada gelijir ku bogaadiyay dowlad jeceylka ka muuqda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin garab istaaga Dowladda Hirshabeelle.

Related posts

Arrin yaab leh oo laga soo weriyey Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

Caydiid Ali

Wakiilo kala matalaya dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo Nairobi ku kulmaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---