Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo xoojiyey la xisaabtanka heyadaha Mamulkiisa & Sababta ka dambeysa

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Puntland, halkaasoo uu warbixin shaqo uga dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay sida ay u socoto shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheyaasha hortebinta leh oo ay ka midtahay dardargelinta iyo sare-u-qaadida dhakhliga iyo qorshaha Dowladdu Habka Isku tashiga ah ugu dhisayso kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Deni ayaa sidoo kale maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan xafiisyada Wasaaradda isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, doorka Wasaaradda Caafimaadka ee Abaaraha, xaaladda Covid19, iyo sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah oo loo hayo Bulshada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan..

Sidoo kale, Deni ayaa isla maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda UNICEF oo ay hoggaaminayso Wakiilka Hay’adda ee Soomaaliya Marwo Wafaa Sa’eed.

Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey kormeerada iyo la xisaabtanka heyadaha Maamulkiisa taasoo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay ka jawaabida dhaliilo la xiriira waxqabad la’aan iyo habacsanaan ka jirta maamulkiisa oo kaga imanayey gudaha Puntland.

 

Related posts

Duqeymo lagu hoobtay oo lala beegsaday Isbitaalo ku yaalla Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Uganda oo raadinaya Nin Soomaali ah iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Fool ka fool ah oo dhax maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Cabdi Cade