Xilli ardayda ku nool dalka Maraykanku ay dib ugu noqonayaan dugsiyada, ayaa waxa haatan la qorsheeyey in sare loo qaado, ammaanka ee dugsiyada.
Dalka Maraykanka ayay caado ka noqotay in dad hubaysani ay weeraro ka geystaan dugsiyada dawladda iyaga oo marar kala duwan ku xasuuqay arday, macalimiin iyo shaqaalaha dugsiga.
Maamulada gobollada dalka Maraykanka qaarkood ayaa qorsheeyey in macalimiinta dugsiyada la hubeeyo, si ay ardayda u difaacaan, haddii uu dugsiga soo weeraro qof wax tooganaya.
Illaa haatan lama oga waxa tallaabadani ay ka tari karayso, haddii toogasho ay ka dhacdo dugsi ay macalmiintiisu hubaysan yihiin.
Waxaa bilahan u dambeeyey laga fekerayey in la xoojiyo ammaanka dugsiyada Maraykanka oo ardayda iyo shaqaalaha dugsiyada dawladdu ay ka badan yihiin illaa 50 milyan oo arday, shaqaale iyo macalimiin isugu jira.
Bishii May ee sannadkan ayaa nin hubaysani waxaa 19 caruur ah ku dilay dugsi ku yaalla gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxaana jiray toogashooyin kale oo lagu qaaday iskuulo ku baahsan Mareykanka