Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raila Odinga oo gaari Xamuul ah ku geeyay Maxkamada sare Kartoono Warqado ah iyo Dacwad (Sawirro)

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga dhawwaana la shaaciyay in looga guuleestay doorashadii Madaxweynaha, ayaa maxkamadda sare ee dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay.

Raila Odinga ayaa kartoono waraaqo ah oo u badan kuwa cadeymo kiisas gaari xamuul ah ku geeyay maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxa ayna dacwadiisa salka ku heysaa musuqmaasuq uu sheegay in guddiga doorashada qaarkood sameeyeen.

Hoggaamiyaha xisbiga Azimio Odinga ayaa horey u qaadacay natiijada doorashada madaxweynaha, waxa uuna diiday in uu tago goobtii guddiga doorashada labada garab u kala jabay ku shaacinayeen natiijada doorashada.

Dacwada Raila Odinga waxaa xoojinaya afar kamid ah guddiga doorashada dalka Kenya ee ka koobnaa todobada xubnood ,kuwaa oo taageersan Odinga , xubnahan uu ku jiro guddoomiye kuxigeenka guddiga ayaana kasoo horjeestay natiijadii la shaaciyay.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ee loo gudbiyay kiiska dacwada ah ee ka dhanka ah guusha William Ruto ayaa laga warsugayaa go’aanka ay soo saarto, shacabka Kenya ayaana wali ka war sugaya go’aanka ugu dambeeya ee maxkamadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo shaaciyay in Guddiyada doorashgada wali ku jiraan NISA

Cabdi Cade

Taliyihii maanta loo diiday in Kismaayo tago oo magaalo kale ka degay

Cabdi Cade

Al-Azhar Al-Shariif oo dalalka Islaamka ugu baaqay iney u midoobaan dagaalka Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---