Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Mukhtaar Roobow oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Al Shabaab baaqna diray

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee Muqdisho.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in weerarada Al Shabaab yihiin kuwa umadda lagu dhibaateenayo, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in maalin walbo Al Shabaab sidaan u laayaan dad shacab ah aan waxba galabsan.

Waxa uu ku baaqay Wasiir Abuu Mansuur in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, isagoona xusay in qof walbo looga baahan yahay in uu iska difaaco qatarka kooxda Al Shabaab.

Wasiir Abuu Mansuur oo la hadlayay dhallinyarada Al Shabaab u dagaalanta ayaa sheegay in raga soo diraya ee dabka galinaya carruurtooda waxbarasho iyo nolol fiican heestaan ,halka iyagana dhibaato naftooda galinayaan.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin,”ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Abuu Mansuur ayaana cadeeyay in sida kaliya ee Al Shabaab looga adkaan karo ay tahay in loo midoobo dagaalkooda, waxa uuna cadeeyay in kooxdaasi aysanj kala jecleyn shacab iyo ciidan si wadajir ahna dadka u dilaan.

Hadalkan kasoo yeeray Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kusoo aadaya xilli labo habeen kahor Al Shabaab weerar dad badan lagu laayay ku qaadeen hotelka Xayaat ee Muqdisho, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad shacab u badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay soo kordhin kartaa xayiraadda Maraykanka saaray xubno ka tirsan al-Shabaab?

Caydiid Ali

Sargaal iyo askar Israa’iilyiin ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Jabalia

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxkamad nin Maraykan ah ku heshay inuu dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---