Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo  Qunsulka  Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.

Waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada DPL.

Itoobiya ayaa tan markii la doortay Madaxweyne Xassan Shiikh dib u bilowday la macaamilka tooska ah ee madaxda dowlad goboleedyada oo ay horey u joojisay xiligii dowladii Farmaajo.

Related posts

Gaariga ugu Xawaaraha dheer Caalamka oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiye hore oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Akhriso) Amar cusub oo lagu soo rogay Dalladaha Waxbarashada & Iskuulada dalka

Caydiid Ali