Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo degaano miyi ah ku booqday qoysas ay abaartu saameysay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday qaar ka mid ah qoysaska dadka abaartu saameysay ee ku sugan deegaanka Xaaji-Kheyr ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee qoysaskaasi, isagoo dhegaystay baahiyah dadkaasi, wuxuu a isla markiiba amray in dhakhso loo soo gaarsiiyo Qoysaskan, Biyo ku filan, cunto, quudinta caruurta ay wataan iyo in adeeg Caafimaad loo sameeyo hooyooyinka, Iyadoo uu jiro qorshe guud oo Dowladdu ugu gurmanayso dadka Abaartu saameysay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray sida ay u socoto howsha dhismaha iyo dayactirka Buundooyinka deegaanka XaajiKheyr ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland iyo Injineerada dhisaya Buundooyinka XaajiKheyr. Wuxuuna boggaadiyay shaqada socota isagoo la wadaagay in Dowladan ahmiyad gaar ah siisay dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka, sidaasi darteed cidkastoo ku shaqo lehna looga baahanyahay masuuliyad dheeraad ah.

Related posts

Miinooyin laga soo saaray degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay xerada Turkisom shaacana ka qaaday arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---