Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo midoobo Al-Shabaab ka dib weerarkii hotel Xayat

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo booqday hotel Hayaat ayaa Warbaahinta u sheegay in uu murugada la wadaagaya Ehelada walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii ka dhacay Hotelkaas.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish  ayaa ciidanka Amniga uga mahad celiyay sida ay marwalba naftooda ugu horaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka wax uu ugu yeeray Argagixisada iyo cirib tirkooda si Ummada Soomaaliyeed ay ugu noolaadan Nabad iyo Horumar.

Cumar filish ayaa xusay in weerarkaas dadka lagu dilay iyo kuwa dhaawaca ah ay dhamaantood ahaayeen shacab aan waxba galabsan taasinaay muujineyso in Al-shabaab ay yihiin cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Dad ka badan 20 qof ayaa ku naf waayey, ku dhowaad 120 kalena wey ku dhaawacmeen weerar socday 24 saac ka badan oo dabley ka tirsan Al-shabaab ay ku galeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Maxbuus si cajiib ah uga baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo la qabtay isaga iyo Saaxiibtiis !

Cabdi Cade

Elon Musk oo xaraashaya Astaanta Twitterka kuraas, miisas iyo qalabka muusigga

Cabdi Cade

Xildhibaan caan ah oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---