Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo tababar u xiray ciidamo ka tirsan daraawiishta K/Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed oo muddo Tababar ku qaadanayey Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ciidamadan oo gaarayey boqolaal askari ayaa muddo dhowr bilood ah waxaa tababar siinayey saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ka tirsan ATMIS.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka tababarka ay qaateen, isagoo sheegay iney sugeyso gudashada waajibaadka ka saaran iney shacabkooda ka difaacaan, lana dagaalamaan wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah.

Ciidamada tababarka loo xiray ayaa socod gaado ka cayaar ah ku soo bandhigay goobta ay ka dhaceysay Munaasabada, sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababaarada ay qaateen.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo maamusha degaano badan oo ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed sida ay ku warameen saraakiisha ciidankan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka halista ah ee Caronavirus  !!

Cabdi Cade

Ciidamada Kumandoska ee Danab oo howlgalo ka wada degmo ka tirsan Sh/hoose

Caydiid Ali

Tirada shacabka ku dhintay dagaalka 10ka sano ka socda Siiriya oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---