Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat

War saxaafadeed kasoo baxay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa looga hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee Muqdisho.

James Swam ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarka Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat, waxa uuna sheegay in dowladda garabtaagan yihiin iyo dadka dhibanayaasha ah.

“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugtaa iyodhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri  Swam.

Weerarka hotelka Xayaat Al Shabaab ku qaadeen ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana weerarkan oo qaatay in ka badan 25-saacadood dowladda sheegtay in lasoo afjaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Nabad Sugida oo soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay rabshadaha ka socda Minneapolis iyo halka uu ku dambeeyay askarigii dilka geestay

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---