Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Dowladda oon wali ka hadlin Weerarka dadka badan lagu laayay ee Hotelka Xayaat

Madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ilaa hadda wax war ah kasoo saarin weerarka dhiiga badan ku daatay ee xalay ilaa caawa ka socday hotelka Xayaat oo kamid ah hoteelada ugu waa weyn ee Muqdisho.

Weerarkan lagu qaaday Hotelka Xayaat oo socday in ka badan 24-saac ayaan jirin wax war ah oo ay kasoo saareen madaxda dalka ugu sareysa ,sida Madaxweynaha, guddoonka labada aqal, Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Taliyaasha ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka hadlin weerarkan dadka badan lagu laayay ee ka dhacay hotelka Xayaat, mana jiro ilaa hada faah faahino ay laamaha amniga xitaa ka bixiyeen weerarkan saacadaha badan socday.

Dad ka badan 20-qof oo u badnaa shacab ayaa ku dhinay weerarkan ku bilowday ismiidaaminta ee haddana xigay weerarka tooska ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo kale oo lagu daweenayo isbitaalada Muqdisho.

Madaxda dalka ugu sareeya ayaa tacsi horey ka diri jirtay marka weeraro nuucaan oo kale ah dhacaan, waxaa sidoo kale weerarada nuucan ka hadli jiray taliyaasha ciidanka iyo laamaha amniga oo dadka la socodsiin jiray halka ay wax marayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwadii loo heystay Abuukar Samow & kooxdiisa oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarun dib u habeyn lagu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Magaalada Muqdisho uga furmay dowlada Somalia iyo SDRF (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---