Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo amartay in la bur buriyo Hotelka Xayaat iyo Duqeyn ku socota Hotelka

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya amar buuxa ku bixisay in gabi ahaan la bur buriyo dhismaha hotelka Xayaat ee Muqdisho, si loo soo afjaro weerarka qaatay in ka badan 24-saacadood.

Taliyaha ciidanka Nabad sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Sadaald oo caawa tagay aaga isgooska KM-4 ayaa wararku sheegayaan in uu amar ku bixiyay in gabi ahaan la burburiyo dhismaha hotelka Xayaat lana soo afjaro dagaalyahanada ku dhax jira.

Ciidamada dowladda ayaana amarka kadib bilaabay in madaafiic iyo hub kale oo culus ku garaacaan dhismaha hotelka Xayaat ay suurto gal tahay in ay ku jireen dad shacab ah oo ka badbaaday weerarkii saacadaha badan socday.

Hotelka waxaa saakay si xoogan u burburiyay ciidamada gaashaan oo katirsan nabad sugida ,kuwaa oo markii dambe isaga tagay hotelka markii ay ku guuldareesteen in ay soo afjaraan weerarka lana wareegaan hotelka.

Caawa waxaa la maqlayaa madaafiic culus oo lagu garaacay Hotelka Xayaat oo in kabadan 24-saacadood ay ka dhax dagaalameen dhoor nin oo katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo weerar xoogan xalay maqribkii kadib hotelka ku galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Saciid Ciise: Ma jiro dagaal aan jabkiisa wadan, madaxda dalka waxaa looga baahan yahay..”

Caydiid Ali

Taliyeyaasha Booliska saldhigyada Muqdisho oo la isku shaandheeyey & haweeney lagu soo daray (Magacyada)

Caydiid Ali