Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Magacyada dad ka badan 20-qof oo ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, weerarkan ayaana qaatay ku dhawwaad 24-saacadood oo xiriir ah.

Weerarkan oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay mid toos ah oo rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku galeen dhismaha Hotelka, waxaana raga hubeesan la wareegeen qeybo kamid ah hoteelka oo lasoo sheegayo ilaa hadda in ay ku jiraan.

Ciidamada dowladda ee loo geeyay hotelka soo afjarida weerarka iyo badbaadinta dadka hoteelka ku go’doonsanaa ayaa lagu eedeeyay in hub culus ku garaaceen dhismaha hotelka ugana sii dareen xaalada.

In ka badan 20-qof ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday hotelka, waxaana dhaawacyada isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood la geeyay ka badan yihiin ilaa 50-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka ku dhintay hotelka ayaa isugu jiray ganacsato, aqoonyahano iyo sidoo kale dad qurbaha ka yimid, waxaana wali gudaha hotelka lasoo sheegayaa in ay ku jiraan dad geeriyooday oon tiradooda la heyn.

Halkan ka Akhriso qaar kamid ah magacyada dadka la dilay aan helnay

1-Ganacsade Cabdiraxmaan Xasan Iimaan (Jilibey)

2-Sheekh Maxamed Baabili

3-Yuusuf Mahad Barrow

4-Ibraahim Raage Maxamed

5-Nasro Axmed Cali (Shiino)

6-Cabdi Haadi Maxamed Sheekh

7-Xasan Maxamed Yalaxow

8-Cabdirashiid Cali Faarax

9-Shuceyb Maxamed Nuur

10-Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Ak)

11-Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed

12- C/rashiid Cabdi Axmed

13.Shahiid Axmed Cumar

14.Axmed C/aahi Ibrahim

15.C/aahi Abiib Maxumed

16- Maryan Shiikh Cali

17- Abdirashid Nuunow

18- Ahmed Cali Xaaji

19- Seynab Abdi Maqaar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo warbixin ku soo bandhigtay shirka Arab Forum For Equality (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo mar kale cadeysay mowqifkeeda Xaalada Falastiin (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal Khasaare geystay oo maalintii labad ka socda degaan hoos taga Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---