Hotelka Xayaat oo xalay lagu qaaday weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo nafeed iyo mid maaliyadeed, waxaana hotelka weerarka kasoo gaaray burbur aad u xoogan.
Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Gaashaan ayaa hub culus u adeegsaday sidii dagaalyahanada Al Shabaab ee qabsaday qeybo kamid ah hotelka uga saari lahaayeen una soo afjari lahaayeen howlgalka.
Waxaa la maqlayay hub culus iyo miinooyin la sheegay in ciidanka ku xireen qeybo kamid ah hotelka, waxaana dhismaha hotelka ka muuqda burbur aad u baaxad weyn oo soo gaaray.
Shacabka Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya ugana falceliyay sida ciidanka dowladda u dhaqmayeen, waxa ayna shacabka isweediinayeen sida ay suurto gal ku tahay in lasoo badbaadiyo dad dhismihii ay ku jireen hub culus lagu garaacayo.
Ciidamada dowladda ayaana ku guuldareestay in ay kusoo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen dhismaha hotelka wax ka badan 22-saacadood, waxaana wali lasoo sheegayaa in howlgalku uu socdo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com