Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan dadka qaarna u yaqaanaan Alfa Group ayaa ka fashilmay in ay soo afjaraan muddo 20-saac ka badan weerar dagaalyahano katirsan Al Shabaab xalay ku galeen hotelka Xayaat.
Sida aan wararka ku helnay ciidamada Gaashaan oo xalay galay dhismaha hotelka Xayaat si ay weerarka usoo afjaraan ayaa ku guul dareestay in ay weerarka soo afjaraan muddo ka badan 20-saacadood.
Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa wararku sheegayaan in galabta gudaha u galeen hotelka Xayaat, ciidamada ayaana isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka saacadaha badan ka socda hotelka Xayaat.
Dhismaha hotelka Xayaat ayaa si weyn u burburiyeen ciidamada Gaashaan kuwaa oo la sheegay in hub culus ku garaaceen dhismaha si ay usoo afjaraan weerarka, hasa ahaatee ciidamada ayaa markii dambe isaga tagay hotelka ay burburiyeen.
Rasaas goosgoos ah iyo qaraxyo bambo ayaa wali laga dhax maqlayaa hotelka Xayaat, waxaana dhismaha hotelka lasoo sheegayaa in ay ku jiraan meydadka qaar kamid ah dadkii weerarka ku dhintay.
Dad ku dhaw 20-qof ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat, waxaa sidoo kale isbitaalada Muqdisho lagu daweenayaa dad ka badan 50-qof oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarka wali socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com