In ka badan 15-saacadood oo xiriir ah ayaa dagaal toos ah waxa uu ka socdaa hotelka Xayaat ee kuyaalla Muqdisho, waxaana hotelka weerar ku bilowday ismiidaamin ku galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.
Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Alfa Group ayaa ku guul dareestay in ay si degdeg ah kusoo afjaraan dagaalyahano dhoor ah oo katirsan Al Shabaab oo galay dhismaha Hotelka Xayaat.
Qaraxyo iyo rasaas toos ah ayaa saacado badan ka socday dhismaha hotelka Xayaat, ciidamada dowladda ayaana hub culus u adeegsaday dagaalka ay kula jiraan raga katirsan Al Shabaab oo dhankooda isticmaalayay bambooyin iyo qaraxyo kale.
Waxaa goordhaw dhismaha hotelka laga maqlay qarax weyn oo loo maleenayo in lagu xiray qeyb kamid ah hotelka, waxaana hadda yaraatay rasaastii laga maqlayay gudaha hotelka Xayaat ay kuwada jiraan ciidanka dowladda iyo kooxda hubeesan.
Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan wali shaacin in weerarka lasoo afjaray, waxaana hotelka aagiisa ku sugan saraakiil badan oo katirsan ciidanka dowladda oo qiimeenaya xaalada hotelka.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat, waxaana wali lasoo sheegayaa in dhismaha hotelka ku jiraan dad ku dhintay weerarka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com