Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo iyo Rasaas culus oo laga maqlayo Hotel Xayaat iyo Ciidamada oo awood adeegsanaya

Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa wali laga dhax maqlayaa hotelka Xayaat ay ku jiraan dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana halkaasi ka socda dagaal qaatay in ka badan 15-saacadood.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alfa Group ee katirsan nabad sugida Soomaaliya ayaa adeegsanaya hub culus , waxa ayna ciidanka isku dayayaan in ay soo afjaraan howlgalka saacadaha badan qaatay.

Kooxda weerarka ku gashay hotelka oon wali la ogeyn tiradooda ayaa dagaalamaya, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo miino iyo bambooyin ka dhax dhacaya dhismaha hotelka.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in wali socdo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo weerarka Al Shabaab, waxaana qeybo badan oo kamid ah dhismaha hotelka galay ciidamada dowladda.

Qorayga dhashiikaha iyo hub kale oo culus ayaa loo adeegsanayaa kooxda weerartay hotelka Xayaat,waxaana rasaasta kooxdaasi loo adeegsanayo qaarkood suurto gal tahay in waxyeelo kasoo gaarto dad hotelka ku go’doonsanaa.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa sii kordhaya, waxaana gudaha hotelka laga soo qaaday meydadka dad ku dhintay weerarka ilaa hada ka socda hotelka Xayaat.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil galabta ka dhacay Goof Dalxiis loo tago oo kuyaala Degmada Dayniile

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo caawa kormeer kedis ah ku tegay xarumaha Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Switzerland iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---