Allbanaadir.com
NEWS

Rasaas wali ka socota Hotelka Xayaat iyo Meydadka dad uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee …

Waxaa wali dhismaha hotelka Xayaat ka socda rasaas goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka iyo dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab oo xalay weerar xoogan ku galay hotelka Xayaat.

Saraakiil katirsan ciidamada amniga ayaa sheegay in howlgalka wali socdo ayna rajo ka qabaan in ay si degdeg ah usoo afjaraan, waxa ayna sheegeen in qeybo badan oo kamid ah dhismaha hotelka hadda joogaan ciidamada amaanka.

Dad ka agdhaw hotelka Xayaat ayaa noo sheegay in ay maqlayaan rasaas goos goos ah oo wali ka dhaceysa gudaha hotelka, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado xaqiiqada ka jirta gudaha hotelka.

Ciidamada amaanka ayaa hotelka gudihiisa kasoo saaray meydadka qaar kamid ah dadkii gudaha lagu dilay iyo sidoo kale dad kale oo dhaawacyo qaba, waxaana aad u yar rejada laga qabo in dad nool loogu tago gudaha hotelka oo dagaal culus ka dhacay.

Meydadka goordhaw lasoo saaray waxaa ku jira guddoomiyihii hore ee degmada Dayniile Xasan Maxamed Yalaxow iyo dad kale oo gudoonsanaa gudaha hotelka, kuwaa oo tan iyo xalay war iyo wacaal aan loo weesanaa

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaana sii kordhaya, waxaana aaga hotelka xiray ciidamada amniga oo diidan in loo dhawaado , waxaana halkaasi dhooban ehelada dadkooda maqan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo xanibay hub Nuclear ah oo Maraykanku dhigtay Saldhig ku yaalla dalkooda

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Weerar afka ah ku qaaday Dowlada Qadar 

Cabdi Cade

Ciidamada amniga oo caawa Muqdisho ku qabtay boorso qaraxyo lagu qariyay iyo ninkii watay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---