Tiro hoobiyaal ah ah ayaa xalay saqdii dhaxe lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaashan ka dhashay khasaaro badan oo dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacab ah.
Sida aan wararka ku helnay ilaa afar hoobiye ayaa ku dhacay xaafado katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banadair, waxaana saddex kamid ah hoobiyaashaasi ku dhaceen guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaalla agagaarka iskuul Buluusiya..
Inta la xaqiijiyay hoobiyaasha waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 20-qof oo u badnaa dad isku qoys ah, waxaana dadka ku dhaawacmay ku jira hooyo iyo carruur ay dhashay iyo sidoo kale lamaane aroos cusub ahaa.
Hoobiyaasha ayaa guryaha shacabka ku habsaday xilli dadku hurdeen, waxaana hoobiyaashan si gaar ah loogu weeraray xaafado katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banadair.
Weerarkan hoobiyaasha loo adeegsaday ayaa imaanaya xilli xalay oo dhan ciidamada amnbiga dagaal kula jireen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weerar culus xalay ku galay hotelka Xayaat ee Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com