Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa wali ka dhax dagaalamaya hotelka Xayaat ee kuyaalla Isgooska KM-4, ciidamada dowladda ayaana isku dayaya in ay soo afjaraan raga hubeesan ee ku jira hotelka.
Xalay gudaha hotelka waxaa ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya iyo dhoor nin oo katirsan kooxda Al Shabaab ee gudaha u galay hotelka Xayaat.
Saakay salaadii Subax ayaa si weyn looga maqlayay gudaha hotelka qaraxyo iyo rasaas culus oo labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana wararku sheegayaan in wali aan lasoo afjarin ragii hubeesnaa ee galay hotelka xalay maqribkii ayna wali dagaalamayaan.
Dhismaha hotelka waxaa wali ku jira oo nolol iyo geeri aan laheyn dad badan , waxaana tan iyo xalay aan seexan oo walaacsan ehelada dadkooda maqan yihiin, kuwaa oo aad uga naxsan xaalka ay ku sugan yihiin dadka ka maqan.
Ciidamada Alfa Group iyo kuwa Haramcad ayey ku adkaatay in ay si degdeg ah usoo afjaraan weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Muqdisho.
Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe insha allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com