Allbanaadir.com
NEWS

Kulankii uu Farmaajo ka qeyb gali lahaa ee u ballansanaayeen Xildhibaanaa Golaha Shacabka oo…

Waxaa saakay baaqday kulan horey u iclaamiyeen guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, oo saakay oo sabti ah lagu waday in ay Xildhibaanada ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa.

Kulankan baaqday ayaa lagu waday inĀ  maanta xarunta golaha shacabka ku tago Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loogu dhaariyo xubin sharafeed katirsan golaha shacabka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay in uu baaqday kulankii maanta lagu waday in uu dhaco, waxaana guddoonka sheegeen in kulankan beri oo axad ah qabsoomi doono.

”Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ay ku balansanaayeen, kulanka ayaa la qabandoonaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 21 August” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo markii ay ansixiyeen xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxaana xildhibaanada la filayaa in kulankooda ugu horeeyo ku doortaan guddoonka guddiyada loo qeybiyay xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Sirdoonka dalka Angola oo booqasho ku yimid Muqdisho, lana kulmay..

Caydiid Ali

Xilliga Maxkamadda gobolka Banaadir la horkeenayo Sayid-cali Macalin oo la muddeeyay

Cabdi Cade

Masjidkii ugu horeeyey gudaha Soomaaliya oo loo xiray cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---