Allbanaadir.com
NEWS

Warar cusub oo kusoo kordhay weerarkii Caawa lagu qaaday Hotelka Xayaat

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo booliiska ayaa wali howlgalo kawada gudaha hotelka Xayaat, waxa ayna ciidamada la dagaalamayaan dhoor dabley oo hotelka ku jira saacado badan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Alfa Group loo yaqaan iyo ciidamada kale ee Haramcad ayaa gudaha u galay qaar kamid ah qolalka hotelka, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan howlgalka saacadaha qaatay.

Ciidamada ayaana ku guuleestay in ay soo badbaadiyaan dad badan oo ku go’doonsanaa qeybo kamid ah dhismaha hotelka, dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxa aku jira kuwa qabay dhaawacyo .

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay weerarka Al Shabaab ku galeen hotelka Xayaat, waxaana dadka ku dhintay kamid ah ganacsato, aqoonyahano iyo dhallinyaro hotelka ku sugnaa.

Dadka weerarka  ku dhaawacmay waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir , dhaawaca masuulkan hore ayaana lagu daweenayaa isbitaal kuyaalla Muqdisho.

Gudaha hotelka ayaa wali lasoo sheegayaa in ay ku jiraan dad qaba dhaawacyo iyo sidoo kale dad dhintay, waxaa sidoo kale wali qolalka hotelka qaar ku jira dad degnaa hotelka oo ku go’doonsan.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan wali faahfaahin badan ka bixin weerarkan caawa Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat iyo khasaaraha ka dhashay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in wali howlgalku socdo dibna ka faahfaahin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Deni oo shaaciyay qorshe cusub oo uu la tegi doono shirka Dhuusamareeb

admin

QM oo dhaqangelisay qaraar cusub oo sharaxaad lagu dalbanayo marka la isticmaalo VETO

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo eedeyn & digniin isugu daray Madaxda dowlada federaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---