Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay Weerarkii Hotel Xayaat

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii caawa kooxo hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat oo kamid ah hoteelada ugu mashquulka badan ee kuyaalla Muqdisho.

Hotelka ayaa lagu weeraray qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana qaraxyada kadib gudaha hotelka galay dabley katirsan Al Shabaab oo ilaa hadda ka  dhax dagaalamaya qeybo kamid ah dhismaha hotelka.

Weerarka hotelka lagu qaaday ayaa wararku sheegayaan in uu ku dhaawacmay Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir Muxudiin Warbac , waxaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay xubno la socday iyo saraakiil kale oo katirsan booliiska.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in dhaawac lugta kasoo gaaray, waxaana dhaawaca taliyaha lagula tacaalayaa mid kamid ah isbitaalada kuyaalla Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali rasaas laga maqlayaa dhismaha hotelka ay wali ku jiraan xubno katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Shiikh ka tirsan Villa Somalia oo ka qeyliyey dhibaato loo geystay eheladiisa & Warar kale

Caydiid Ali

Raísul Wasaare Xamse oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaaskii Beesha Murusade

Cabdi Cade

Madaxweyne Ali Bongo oo la afgembiyey & milateriga oo talada la wareegay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---