Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Britain oo ku dhawaaqday bixinta lacag lagu taageerayo Ciidanka Soomaaliya

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday bixinta lacag malaayiin dollar ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana lacagtan lasoo marsiinayaa taageerada ciidanka sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Kulan magaalada Muqdisho ku dhax maray wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa looga dhawaaqay bixinta lacagtan lagu taageerayo ciidanka Soomaaliya.

Safiirka UK u joogta Soomaaliya Kate Foster ayaa ku dhaawqay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ku taageerayaan adduun lacageed oo gaaraya £2.3 milyan oo Pound, lacagtan ayeyna sheegtay in loogu tala galay taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.

“Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxday Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed’.” ayey tiri Kate Foster.

Dowladda Britain ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidamada , waxaana kasokow dhaqaalaha Britain ku bixiso taageerada ciidamada sidoo kale dalka ka jooga saraakiil iyo ciidamo tababar siiya ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo balan-qaad muhiim ah u sameeyey shacabka gobolka Banaadir (Daawo Sawiro)

Caydiid Ali

Ciidanka AMISOM oo baneynaya Mid ka mid ah fariisimahooda waaweyn ee Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---