Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Dalmar oo la gudoonsiiyey Abaalmarinta Dhaqtarka sanadka ee Somali Nigth Award

Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa xalay la guddoonsiiyey abaalmarinta Somali Night Award ka dib markii loo aqoonsaday dhaqtarka ugu wanaagsan Somalia ee dhinaca daweynta iyo qaliinka indhaha sanadka 2022.

Dr. Dalmar ayaa ka mid ahaa shaqsiyaad iskugu jiray Siyaasiyiin, Fanaaniin, Jilayaal, dhaqaatiir, Weriyeyaal, ciyaartoy iyo qeybaha bulshada oo la gudoonsiiyey abaal marinta Sanadka ee Somali Nigth Award.

Waxaa Munaasabada laga sheegay in dhaqtarka uu abaalmarintan ku muteystay kaalintii uu ka soo qaatay dib u soo nooleynta adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ka dib burburkii dalka dhacay.

WAA KUMA DR.C/RISAAQ AXMED DALMAR?

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay cudurada Arraga (Consultant, Ophthalmoligist), wuxuuna shahaadada dhaqtarnimada ka qaatay Jaamacadii hore ee Ummadda, isagoo helay darajo sare oo u suuragelisay in isla kuliyadda ay u qaadato Barre kaaliye muddo lix sanadood ah xiliga burburka ka hor, wuxuuna sidoo kale tababaro badan ku qaatay Kuliyadda Caafimaadka, isagoo ka soo shaqeeyey qeybta Indhaha ee isbitaalada Digfeer iyo Afgooye.

Sidoo kale Dr. Dalmar ayaa dagaaladii sokeeye ka dib u wareegay dalka Britain isagoo shahaadada taqasuska ee Masterka ee daweynta iyo Qaliinka indhaha ka qaatay Bristol University, sidoo kale waxaa uu ka qaatay Jaamacadda London shahaadada heerka labaad ee Caafimaadka bulshada (Master of Puplic health), wuxuuna shahaadada Phd ee daweynta indhaha iyo maskaxda ku diyaariyey University College London, isbitaalo iyo Jaamacado ku yaalla isla magaalada London ayuuna muddo ka howlgalay.

Dalal kale oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya ayuu ka soo shaqeeyey Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gambia, Ghana, Ethiopia, Tanzania South Africa, Kenya iyo India, isagoo dhinaca kale Koorsooyin waxbarasho ku soo qaatay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Jarmalka.

Dhaqtarka ayaa dib ugu soo laabtay dalka sanadkii 2001 isagoo ka hirgeliyay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur oo ka soo hawlgalay degmooyinka Hawl-wadaag, Heliwaa iyo Hodan ee magaaladan Muqdisho.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waxaa uu sannadkii 2005 aasaasay hay’adda samafalka ee Al-Nuur Foundation oo 17kii sano ee la soo dhaafay ka hirgelisay dalka Mashruuca la dagaalanka indho la’aanta oo ah mid Samafal ah oo iskugu jira daawayn iyo qalliinka indhaha oo lacag la’aan ah, kaasoo laga fuliyey gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya, ayna ka faa’iidaysteen tobanaan kun oo qof.

Prof. Dalmar ayaa sanadkii 2002-da isaga iyo aqoonyahano kale oo dhaqaatiir u badan waxay dhidibada u aaseen Jaamacadda Benaadir oo xiligaas hirgelisay Kulliyaddii ugu horraysay ee Caafimaadka laga barto Soomaaliya oo dhan burburkii ka dib.

Sanadkii 2012 ayaa Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waxaa loo doortay Guddoomiyaha Jaamacada Benadir isagoo mudadii uu xilkaas hayey ay Jaamacadu ku talaabsatay horumarkii ugu ballaarnaa, waxaana lagu kordhiyey Kuliyaddo 10 ka badan iyo qeybta daraasaadka Sare oo taqasusyo kala duwan leh,  kuwaasoo ay ka aflaxeen kumanaan aqoonyahano ah oo kaalin muhiim ah kaga jira horumarinta bulshada, halka ay wax ka bartaan kumanaan kale.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa xilka Jaamacada ka degay horaantii sanadkii 2019, isagoo ka dibna Muqdisho ka aasaasay Mid ka mid ah isbitaalada ugu casrisan Somalia iyo guud ahaan geeska Afrika kaasoo dhismahiisa iyo qalabeyntiisa ay ku baxday Malaayiin dollar, waxaana Isbitaalka oo loo bixiyey (Dalmar Specialist and Teaching Hospital) uu bixiyaa adeegyada guud ee Caafimaadka. iyadoo mudadii gaabneyd ee uu jiray adeegyo Caafimaad oo kala duwan loogu qabtay kumanaan qof, waxaana adeegyadaas ay iskugu jiraan Qaliimo iyo daweyn.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Dowlada Somalia oo Weerar Afka ah ku qaaday dadka ka hadlaya Xirnaashaha Wadooyinka Muqdisho

Cabdi Cade

Lamaane isqabay oo caawa lagu dilay Laascaanood & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Waa nasiib daro inaan weli cashar laga baranin weerarada cadowga”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---