Dhoolatus milatari oo ay si wadajir ah u qabanayaan dowladaha Ruushka, Shiinaha, India, Belarus, Mongolia iyo Tajikistan ayaa lagu wadaa in isbuuca soo socda ka biloowdo gudaha dalka Ruushka.
Ciidamada dalalkan ayaana ka qeyb galaya dhoolatuskan oo 30ka Agoosto illaa 5ta bisha September soconaya, waxaana dalalkan kusoo bandhigayaan dhoolatuskan awoodooda milatari iyo sida ay u diyaarsan yihiin.
War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha ayaa lagu shaaciyay in ciidankooda ka qeyb galayaan dhoolatuska ka dhacaya dalka Ruushka, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in ujeedka uu yahay xoojinta iskaashiga saaxiibtinimo ee dalalka dhoolatuska sameenaya.
”Ujeedka ayaa ah in la sii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ciidamada dalalka ka qayb galaya dhoolatuskan, waxaana kor loogu qaadayaa heerka iskaashiga istiraatijiyadeed militariga iyo xoojinta awoodda looga jawaabayo khataraha kala duwan ee soo wajahi kara dalalkan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashanadhiga Shiinaha.
Dhoolatuskan militari ee ka dhacaya waddanka Ruushka ayaa walaac ku abuuray dowladaha Mareykanka iyo reer Galbeedka , waxaana dhoolotuskan xoojinayaa xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Ruushka, iyaga oo sidoo kale ku cabsi gelinaya reer Galbeedka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com