Todobaadkii hore saraakiil katirsan FBI-da Mareykanka ayaa gudaha u galay guri uu gobolka Florida ku lahaa madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donad Trump, waxaana gurigaasi lagu sameeyay baaritaano qoto dheer.
Baaritaanka lagu sameeyay gurida Trump ayaa saraakiisha FBI-da Mareykanka waxa ay kusoo saareen dukumiintiyo sir ah oo si qaldan loo dhigay guriga Madaxweynihii hore ee Mareykanka, waxaana dukumiintiyadaasi ay ku jiraan kuwa xasaasi ah qaatay FBI-da .
Guriga Donald Trump ayaa sidoo kale ciidamada FBI-da Mareykanka waxa ay ka qaateen saddex baasaboor uu lahaa oo labo kamid ah dhacsanaayeen halka midka saddexaad oo aha adiblumaasi uu shaqeenayay.
Donald Trump ayaa sheegay in FBI-du ay ka qaadatay saddex baasaboor oo uu lahaa intii lagu guda jiray weerar uu sheegay in gurigiisa lagu soo qaaday, waxa uuna layaab ku tilmaamay sababta loo qaatay baasabooradiisa intii baaritaanka socday.
“Tani waa weerar lagu qaaday siyaasi mucaarad ah, taas oo gaarsiisan heer aan horay loogu arag dalkeenna. Dunida Saddexaad!” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.
Talaabadan lagu baaray guriga Trump loogana qaatay dukumiintiyada ay ku jireen baasabooradiisa waxaa si weyn uga carrooday taageerayaashiisa iyo siyaasiyiin katirsan xisbiga TRump ee Jamhuuriga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com