Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

William Ruto oo Dadaal ugu jira sidii Xisbigiisa ula wareegi lahaayeen Guddoonka labada Aqal

Doorashadii ka dhacday dalka Kenya ee lagu dooranayay xildhibaanada labada Aqal iyo Madaxweynaha Kenya ayaa soo dhammaatay, waxaana doorashada si weyn ugu loolamay labada xisbi ay kala hoggaaminayeen William Ruto iyo Ra’ila Odinga.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal kusoo baxay ee katirsan xisbigiisa , kuwaa uu kala arrinsanayay sida ay yeelayaan kaddib guushii ay gaareen.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlayay sidii hoggaanka labada aqal ee Baarlamaanka Kenya ula wareegi lahaayeen xisbigooda, waxa ayna ku heshiiyeen madaxweynaha iyo xildhibaanada taabacsan in olole u galaan qabashada xilka guddoonka labada aqal.

Dhinaca kale Madaxweynaha la doortay Ruto oo ka hadlay diidmada natiijada doorashada musharaxii la tartamayay ayaa sheegay in dalka leeyahay garsoor iyo maxkamado uu ku kalsoonyahay, waxa uuna xusay in hadda ka shaqeenayaan sidii xil wareejin u dhici laheyd.

Madaxweyne Ruto ayaa shaqaalaha Dowlada Kenya iyo saraakiisha ciidamada ugu baaqay in ay hawshooda gutaan oo aysan dhex gelin murranka siyaasadeed, wuxuuna sheegay inaysan jiri doonin shaqaale xilkiisa looga qaado arrimo siyaasadeed.

Labada xisbi ay kala hoggaamiyaan Ruto iyo Raila ayaa markan ku loolamaya hoggaanka baarlamaanka labada aqal, waxa ayna labada xisbi taageeri ka raadin doonaan xildhibaanada madaxa banaan maadaama kuraasta ay heleen isku dhaw yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF oo la wareegay degaano Cusub & Soomaali dil dhaawac loo geystay

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo & duqeymo khasaare sababay oo ka dhacay Laascaanood

Caydiid Ali

Maraykanka oo hakiyey taageeradii uu siin jiray milateriga Somalia & Musuq maasuq soo shaac baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---