Ciidamadii ka tirsanaa xasilinta ayaa inta badan saaka laga qaaday qaar ka mid ah isgoysyada muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Bilihii ugu dambeeyay ay fadhiyeen
Isgoysyadda ay baneeyeen Ciidamada xasilinta ayaa waxaa ka mid ah Warshadaha, Howlwadaag, Shiikh Cali Suufi, Sanca iyo Afarta Jardiino.
Sababta loo qaaday ciidamada ayaa waxa ay tahay sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda dhaqangelinta Amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran.
Inta badan wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa furan balse waxaa wali xiran  Jidcadayaasha soo gala Wadooyinka Muqdisho oo lagu gooyey biro aysan gaadiidku gudbi karin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho SomaliaÂ
Allbanaadir@live.comÂ