Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland lagu aasay dad shacab ahaa oo dhawwaan ciidamada Somailand toogteen, xilli dadkaasi ka qeyb galayeen dibad baxyo ay soo abaabuleen xisbiyadda mucaaradka.
Qabuuraha aaska ka socday ayaa mar qura waxaa ka bilowday rabshado kaddib markii uu tagay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Siciid Sulub, waxaana qaar kamid ah dadkii qabuuraha joogay kahor yimaadeen imaatinka wasiirka.
Shacabka careesan oo ku sugnaa qabuuraha ayaana bilaabay in dhagxaan ku weeraran wasiir Sulub, ciidamadii ilaalinayay wasiirka ayaana dhankooda rasaas ay dadka ku kala eyayeen kor u ridayay.
Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland ayaa markii dambe qabuuraha isaga cararay ,kaddib markii ay kordheen dadka kasoo horjeeda ee dhagxaanTa ku tuuraya, waxaana wasiirka lagula cararay gaarigiisa oo qabuuraha orod uga baxay.
Banaan baxyadii rabshadaha watay ee dhawwaan ka dhacay magaalooyin kuyaalla Somaliland ayaa sababay in ciidamada amaanka Somaliland toogtaan qaar kamid ah dadkii banaan baxa dhigayay ee taageersanaa xisbiyada Wadani iyo UCID.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com