Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo War ka soo saaray shaqada Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyey in shaqada Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur la hoos-geeyo Wasaaradda Arrimaha gudaha, uuna la shaqeeyo Guddi loo magacaabay ka shaqeynata Taakuleynta bulshada Talaabeysan.

Warsame ayaa horey loogu magacaabay Ergay gaar ah oo Madaxweyne, balse qaraarka golaha Wasiiradda ayaa go’aamiyey in Ergayga uu guddiyadaas la shaqeeyo sida ay allbanaadir Online u sheegeen ilo ku dhow shirka golaha wasiirada ee caawa ka socda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa magacyada shan xubnood u gudbiyey golaha Wasiiradda si ay u howlgaliyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA kuwaasoo ay magacyadooda ay kala yihiin.

1- Max’uud Macalin- Gudoomiye
2- Axmed Cabdi Aden- Xubin
3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan- Agaasime
4- Luul Calow Axmed- Agaasime
5- Cabdiriasaaq Axmed- Agaasime.

Guddigan ayaa ka shaqeynaya isku duba ridka Gargaarka iyo Abaaraha wax ka qabashadooda, waxaana la shaqeynaya oo xogaha u gudbinaya 4 wasaaradood, iyo Ergayga gaarka ah ee Abaaraha ee uu  magacaabay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca kale RW Xamza ayaa diiday hindise uu soo gudbiyey Xafiiska Ergayga Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishukuur oo doonayey in dalka lagaga dhawaaqo xaalad degdeg ah oo ku saabsan inay Macaluul ka dilaacday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in gurmadka uu xafiiskiisu hogaaminayo, isbarbaryaac uu ka jiray loona soo laabto sharciga taasoo ah in hay’adii Musiibooyinka Soomalaiyeed dib loo shaqo-galiyo.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili khilaaf uu ka dhex jiray ergayga Madaxweynanaha iyo Xafiiska  RW kaasoo salka ku hayey cida maamuleysa deeqaha gargaarka ah ee loogu talo galay abaaraha ka jira dalka.

 

Related posts

Mucaaradka Puntland oo si weyn uga soo horjeeda Tallaabo uu qaaday madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Hobyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ololaha doorashada Somaliland oo si rasmi ah u bilowday maanta iyo Xisbiga UCID oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---