Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Gabar ka mid aheyd Ardaydii ka gudubtay imtixaanka dowlada oo caawa la dilay

Hibo Qaasim oo ka mid ehayd ardaydii ka gudubtay Imtixaanka dowladda ee maanta la shaaciyey ayaa caawa kooxo mindiyo ku habeysan waxay ku dileen degaanka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hibo ayaa saacado ka hor waxay u dabaaldegtay ka gudbida imtixaanka dowladda basle nasiib daro gacan ka xaqdaran ayaa caawa farxadeedii ku soo afjaray iney nafta dhaafiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilay  ay ka dhacayeen mobile ay wadatay meel ku dhow hoyga ay la degen tahay qoyskeeda degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Ardayda wax ku barta iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Somalia ayaa wajaha duruufo kala duwan oo ay ugu weyn tahay falalka amni darada oo mararka qaarkood ay naftooda ku waayaan.

 

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada 3 ruux oo Muqdisho lagu dilay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay baaqii Madaxweyne Deni kasoo yeeray

Cabdi Cade

Galmudug oo Maamulada kale kaga horumartay hal arrin oo la xiriirta doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---