Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka amniga oo kulankii ugu horeeyey la qaatay taliyeyaasha Booliska (Sawirro)

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa booqday xarunta taliska ciidanka Booliska DF.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kusoo dhoweeyey Wasiirka Cusub oo ay la socdeen Wasiiru-dowlaha Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Wasiirka ayaa shir la qaatay Taliska Guud ee Booliska, saraakiisa sarsare ee Hoggaamada, Qaybta Guud, Qaybaha iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale u kuurgalay hannaanka shaqo ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qorsheyaasha iyo hawl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Cadaadis caburin ah ku hayo Bulahada Magaalada Buulo-Burte

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo howlgalo ka wada Deegaanadii Al Shabaab laga saaray Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---