Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalo ay go’doomisay Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo shalay gaaray halkaas, Xubnaha labada gole ee maamulka, Saraakiisha  Hay’addaha Amaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cali Guudlaawe ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgalada ka dhanka ah al-shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa muddo sanado ah go’doon ku haya Al-shabaab oo ka xirtay waddooyinka gala degmadaas iney gudbaan gaadiidka sida badeecadaha daruuriga ah taasoo saameyn adag ku yeelatay nolosha shacabka degmadaas.

Related posts

Puntland oo shacabka ugu baaqday in aysan ka wal walin shirka ka furmaya Garawe

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo goordhaw laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde iyo Laamaha amaanka oo …

Cabdi Cade

Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Maxkamadda Derajada 1-aad ee Puntland

Caydiid Ali