Musharaxii looga guuleystay doorashada Madaxweynaha Kenya Raila Odinga oo qabtay shir jaraa’id ayaa ku gacan seyray natiijadii shalay ka soo baxday guddiga doorashada Kenya.
“Tiradii uu ku dhawaaqay Mr Chebukati waxba kama jiraan waxaana khasab ah in maxkamadaha sharciga ay meesha ka saaraan” ayuu yiri Odinga.
Waxaa uu sheegay in guddiga doorashada Kenya ay ku xad gudbeen sharciga, ayna soo saareen natiijo aan sax aheyn.
“Malaayiin Kenyan ah ayaa codeysay si ay hogaamiye cusub u doortaan. Laakiin shalay dimuqraadiyadeena curdunka ah dharbaaxa weyn ayaa ku dhacday.”ayuu intaas ku daray Odinga.
“Chebukati kama awood badna xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayagoo sheegay inaysan ku raacsaneyn” ayuu yiri Odinga.
Gudoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa shalay shaaciyey in doorashadii madaxweynaha dalkaas uu ku guuleystay William Ruto, inkastoo afar ka mid ah xubnaha guddigaas ay diideen natiijadaas iyagoo sheegaya ineysan hubin guusha Ruto.