Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay natiijada rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo sanandkan u fadhiisteen arday ka badan 33-kun oo arday.
Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in sannadkan imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisteen arday gaareysa 33,468 oo ku kala sugan Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
Imtixaanka ayaana sannadkan wax badan ka duwanaa sannadihii hore, waxaana wasaaradda waxbarashada wax ka bedeshay nidaamkii horey imtixaanka loogu hagi jiray, taa oo sannadkan arday badan u sahashay in imtixaanka ku baasaan.
Wasaaradda waxbarashada ayaa shaacisay in imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo sanandkan u fadiisteen 33,468 ay ku baaseen arday gaareysa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, halka ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.
Ardayda ugu badan ee imtixaanka ku dhacay sannadkan ayaa ah kuwa wax ku barta gobolka Banaadir, waxaana ka dhacay imtixaanka arday gaareysa 1,100, halka ardayda kale ee ku sugan maamul goboleedyada isku geyn ka dhaceen 43-arday.
Natiijada tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa u badan ardayda wax ku barata iskuuladda kuyaalla gobolka Banaadir, waxaana tobanka hore ku jira dhoor gabdhood oo dadaal badan muujiyay.
Sannadkan ayaana noqonaya kii ugu badnaa ee ardayda ka baxeysa dugsiga sare ku baasaan imtixaanka, waxaana wasaaradda sheegtay in isbadalka la sameeyay uu sabab u noqday in arday badan sannadkan baasaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com