Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay masuuliyiin lagu helay Musuqmaasuq

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay masuuliyiin dhoor ah oo u dhashay dalka Liberia, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal musuqmaasuq iyo isdabamarin ah.

Waaxda Maaliyadda ee dawladda Maraykanka ayaana cunaqabateyn kusoo rogtay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Liberia, waxaana xubnahan cunaqabateynta la saaray ku jira agaasimaha xafiiska madaxweyne George Weah.

Masuuliyiinta kale ee u dhasdhay dalka Liberia ee cuqabataneyn kusoo rogtay dowladda Mareykanka waxaa kamid ah xeer-ilaaliyaha guud ee Liberia Sayma Syrenius Cephus iyo Bill Twehway oo ah agaasimaha maamulka ee hay’adda maamusha dekedaha dalkaas.

“Musuqmaasuqa ay sameeyeen saraakiishani wuxuu wiiqayaa hannaanka dimoqraadiyadda ee Liberia, iyaga oo u sameeyey si macaash shakhsi ah u sameeyaan,” ayuu yidhi Brian Nelson, oo ah kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan hawlaha la dagaalan argagixisada iyo la socoshada lacagaha.

Dowladad Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka go’antahay la xisaabtanka shakhsiyaadka ku lugta yeesha hawlaha musuqmaasuqa ee dalka Liberia, waxa ayna digniin u dirtay dadka kale ee wali ku howlan falalka musuqmaasuqa iyo xatooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey hindise sharciyeed muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Amniga oo fasaxday Banaan baxa beri amarna siisay Booliiska

Cabdi Cade

Ciidamda Qalabka sida ma gudan doonaan waajibaadooda ka saaran dalka, mise ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---