Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.
Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa dib usoo celisay xiriirka kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba markii la doortay safar degdeg ah ku tagay dalka Imaraaadka, uu arrimo badan kala soo hadlay madaxdooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com