Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Somalia Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed.
Inta uu socday kulanka waxaa talooyin waxtar leh looga dhageystay culimada Soomaaliyeed, kuwaasoo ku aadan marxalada uu ku sugan yahay dalka iyo sidii culumada u xoojin laheyd wacyi gelinta bulshada.
Mukhtar Roobow ayaa ka codsaday Culimada Soomaaliyeed inay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka bulshadeena, iyadoo sare loo qaadayo Barashada Diinta Islaamka iyo Fidinteedaba.
Qaar ka mid ah Culimada kasoo qeybgalay kulanka ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda, ayna kaalintooda ka qaadan doonaan wacyi gelinta bulshada.
Culimada ka qeyb gashay kulankaas ayaa waxaa ku jira qaar si weyn ay isaga horjeedeen Mukhtar Roobow xiligii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.