Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeesay dad badan ku dhintay Kaniisad

Kaniisad kutaalla magaalada Giza ee dalka Masar ayaa shalay waxaa qabsaday dab xoogan oo sababay geerida dad badan oo ku sugnaa gudaha kaniisada iyo dhaawaca dad kale badan.

Dabka ka kacay kaniisada waxaa ku naf waayay dad ka badan 40-qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka ku dhintay kaniisada ku jiray carruur badan oo waalidkood xilligaasi kula sugnaa kaniisadda.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay dowladda Masar iyo ehelada dadkoodii ku dhinteen dabka ka kacay gudaha kaniisadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaana caafimaad degdeg ah loogu rajeeyay dadka ku dhaawacmay mashaqada ka dhacday kaniisadda, waxa ayna dowladda si gaar ah ugu tacsiyeesay dowladda Masar iyo ehelada dadka dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Iran oo gacanta ku dhigay Maraakiib laga leeyahay Imaaraadka oo…

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo saakay fashiliyay Weerar Al Shabaab soo qaadeen

Cabdi Cade

Puntland: “Dowlada federaalku ma xiri karto Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---