Wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu kala diray golaha deegaanka degmada Bardaale, oo horraantii sannadkan uu dhammaaday muddo xiloodkooda.
Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in dhawwaan lasoo dhisi doono gole deegaan cusub oo ay yeelato Bardaale, waxa ayna xustay wasaaradda in degmada sii maamulayaan golaha fulinta ee degmada ka arrimiya.
Kala dirista golaha deegaanka Degmada Bardaale ayaa kusoo aadaya xilli maanta degmadaasi howlo shaqo u tageen Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo ay wehliyaan wasiiro iyo guddoomiyaha gobolka Baay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com