Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo galabta ah ka dhacay agagaarka isgoyska Florenza oo ka tirsan degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa ahaa mid lagu xiray gaari la sheegay inuu lahaa nin dhaqtar ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Dr. Cabdiraxman.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhaqtarka uu ka badbaaday qaraxaas, isla markaana uu ka maqnaa xiliga uu qarxayey gaariga oo barking ku jiray.

Qaraxa ayaa burbur u geystay qeybta darawalka uu fadhiisto ee gaariga taasoo hoosteeda lagu xiray miinada qaraxday.

Lama sababta qaraxa loo beegsaday dhaqtarkan iyo cida ka dambeysay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Daawo:-Dhismaha iskuul loogu magac daray Qanyare oo la dhagax dhigay & Masuuliyiinta goob jooga ka ahaa !!

admin

Ruushka iyo Ukraine oo maanta is dhaafsaday Maxaabiis dagaal lagu kala qabsaday

Cabdi Cade

Wiil Dhibaato xoogan kasoo gaartay Game uu saacado badan ciyaarayay !!(Sawiiro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---