Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xil sare u Magacaabay Cabdisalaan Hadliye Omar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdisalaan Hadliye Omer Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha ururka Bulshada Bariga Afrka ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania, uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharraxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

Cabdisalaan Hadliye Omer ayaa looga fadhiyaa inuu dardar geliyo hanaanka iyo dadaalka ay Somalia ugu biiri karto ururka Bulshada Bariga Afrka ee EAC, isagoo horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

Related posts

Dowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel

Caydiid Ali

Shaqaale ka tirsan heyad samafal oo lagu dilay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan muhiim ah la qaatay Paul Kahuria

Cabdi Cade
Taboola Ads ---