Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo qaabilay Max’uud Max’ed Xasan & wafdi uu horkacayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan.

Waxaa sidoo kale kulankaas goob joog ka ahaa masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland.

Sidoo kale waxaa kulankaas diirada lagu saaray ka qayb-qaadashada gurmadka Abaaraha ka jira degaanada Puntland iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo Dowladda Puntland.

Hay’ada Save the Children oo ka howlgasha Puntland iyo degaano kale oo ka mid ah Soomaaliya ayaa wada barnaamijyo iyo mashaariic lagu taageerayo dhalaanka.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa la kulmay Qoyska Marxuum Cali Mahdi (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka dhacday Magaalada Beirut

Caydiid Ali

Isbitaalka takhasusiga ee Guuleed oo Qaliino kala duwan fulinaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---