Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay woqoyiga Gaalkacyo

Kooxo hubaysan ayaa xalay woqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood oo ay la beegsadeen rag bastoolado ku hubeysnaa oo weerar ku soo qaaday.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday dableyda hubeysan ee dilka geysatay, sida ay inoo shegeen dad goobjoogayaal ah.

Waxaa socda baaritaano la xiriira dilkan, iyadoo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ay sheegeen inaysan jirin weli cid loo qabtay dhacdadaas.

Ma jirto cid sheegtay masuuliyadda dilkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab

Related posts

Guddoomiye Dhoobo oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii saaka lagu sameeyey

Caydiid Ali

Dacwad ka dhan ah Muuse Biixi oo loo gudbiyay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii shalay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---