Waxaa maanta maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dowlada Soomaaliya lasoo taagay Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysan in uu katirsan yahay Daacish u duubi jiray muuqaallada dilalka ah.
Ciidamada amaanka ayaa ninkan soo qabtay xili la sheegay in uu miino ku aasayay halka loo yaqaano boo-boodka oo katirsan degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.
Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan ku eedeesay in uu kasoo mid noqday Dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish, waxa ayna xeer ilaalinta sheegtay in ninkan Daacish u duubi jiray muuqaalada dilalka ay geestaan.
Guddoomiayah Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Ninkan ayaa Maxkamada sheegtay in uu qirtay in uu kasoo mid noqday Al Shabaab iyo Daacish, waxa uuna beeniyay qaar kamid ah dambiyada ay kusoo oogtay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada.
Maxkamada ayaa la horkeenay caddeymo ay ka mid yihiin qiraalka eedeysanah, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada Afgooye ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka dilalka ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.
Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.
Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com