Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

War cusub oo kasoo kordhay Doorashada Kenya iyo ku shubasho la sheegay in ay dhacday

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaan wali shaacin  natiijada rasmiga ah ee doorashada dalkaasi ka dhacday, waxaana wali socda tirinta codadka musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya.

Doorashada waxaa si weyn ugu loolamaya madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya William Ruto iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga , waxaana labada musharax kala horeeyaan codad aan sidaa u badneen.

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay, waxa uuna warkan keenay walaaca laga qabo natiijada doorashada iyo suurto galnimada in ku shubasho dhacday.

Warbaahinta dalka Kenya ayaana tabinaya sida ay u kala horeeyaan musharaxiinta doorashada ku loolameysa, guddiga doorashada ayaana horey uga digay in lagu dhawaaqo natiijada doorashada kahor inta aysan iyagu ku dhawaaqin.

Madaxa guddiga doorashada Wafula Chebukatti ayaa jimcihii ku eedeeyay wakiillada xisbiyada inay sabab u yihiin gaabiska tirada rasmiga ah ee tirinta codadka, taasoo aan wali kor u dhaafin 1.5%.

Tirada aan rasmiga aheyn ee saxaafadda ayaa tilmaameysa inay labadan musharrax aad iskugu dhow yihiin, inkasta oo labaduba wax yar ka hooseeyaan 50%, iyada oo in kayar boqolkiiba hal ay ku kala horreeyaan.

Warbaahinta Kenya ayaana tabineysa in doorashada ku horeeyo madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto, waxaana walaaca xubnaha taageersan Ra’ila Odinga muujineysa in ay yar tahay rejada ay ka qabaan in ay guuleestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo tagay furumaha hore ee Dagaalka kana bilaabay abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Wax badan Ka Ogow Qaabka Ay Shirkadda Soma Oil & Gas Ku Xulatay 12 Block oo Shidaalka Somalia kamid ah

Cabdi Cade

Nin Isku qarxin rabay goob Tacsi ka socotay uu ku sugnaa Sheekh Shariif oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---