Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii ka Dambeeyay weerarkii lagu dhaawacay Salman Rushdie oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka ayaa  ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkii ka dambeeyay weerarkii shalay lagu dhaawacay qoraaga Salman Rushdie ,xilli uu ku sugnaa galbeedka New York.

Ninkan booliiska qabteen oo magaciisa lagu sheegay Haadi Matar oo 24-sanno jir ah ayaa Salman Rushdie toorey ku weeraray, xilli uu ku sugnaa masrax kuyaalla Galbeedka New Yourk uuna hadal u jeedinayay dad halkaasi ku sugnaa.

Salman Rushdie ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah oo uga yaalla qoorta iyo meelo kale oo jirkiisa kamid ah, waxaana loola cararay oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayaa isbitaal kuyaalla magaalada New Yourk.

War kasoo baxay booliiska Mareykanka ayey ku sheegeen in uu socdo baaritaanada kiiska lagu dhaawacay qoraaga, waxa ayna sheegeen in ninka loo heesto kiiskan uu horey u diyaarsaday kaar uu ku galo masraxa horeyna usii qorsheestay weerarka.

Salman Rushdie oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa horey u qoray buug uu ugu gefay diinta Islaamka si weyna uga caroodeen ugana falceliyeen muslimiinta, waxaana horey fatwo ku baaqeysa in la dilo usoo saaray Hoggaamiyaha Ruuxiga Iraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil u dhalatay Nageria oo Shahaado iyo Abaal marin lagu siiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War Cusub oo kasoo kordhay Dil argagax leh oo Nairobi loogu geestay Gabar Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo kulan shaki dhaliyey la qaatay danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---