Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay banaan baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalooyin katirsan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland .
Xamse Barre ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay rabshada ka dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay deegaanada Somaliland, waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland nabad ku raadiyaan badalkii colaad ku raadin lahaayeen.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana ugu baaqay madaxda iyo shacabka Somalilanad in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilonida ay heestaan, kana shaqeeyaan sidii xilka nabad loogu kala wareegi lahaa.
Qoraalka kasoo baxay Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa u qornaa sida tan:
Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo.
Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.
Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta.
Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay kala dhex galaan xalna u raadiyaan tabashooyinka jira, si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.
Ugu dambeyn walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah, una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com